Go back

News

Dhallinyarada ATM oo xaflad ku qabtay Magaalada Burco.

Magaalada Burco ayaa waxaa ka dhacay xaflad ay soo qaban qaabiyeen Dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti-Tribalism Movement) oo gacan ka helaya Machadka Horumarinta Aadamaha (Human Development Institute). Waxa ayna xafladdu dhacday habeenkii Jimcaha 6dii bisha March 2015ka.

Waxaa xafladda ka qeyb-galay maamulka heer deegaan iyo kan gobol, ardayda, aqoon-yahanada, bahda warbaahinta, culumaa’udiin, haween, wax-garad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Burco. Waxaana xafladda looga hadlay dhibaatada Qabyaaladdu ay ku heyso qof waliba oo Soomaali ah.

4 1 2

Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha xafladda ayaa sheegay in Qabyaaladdu ay gashay dhammaan qeybaha bulshada, gaar ahaan nidaamka cadaaladda, siyaasadda, guurka, waxbarashada, shaqooyinka iyo waliba wax wada-qeybsiga. Waxaana si gaar ah xooga loo saaray sidii loo bad-baadin lahaa dhallinyarada oo iyagu ah mustaqbalka berito ee hoggaanka dalka iyo dadka.

Dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement) ayaa ka sheegay xafladda inay ka go’an tahay in ay xafiis ku yeelan doonaan magaalada Burco. Waxaana la isku af-gartay in qabyaaladda looga hortagi doono wacyi-gallin joogta ah iyo barashada diinta Islaamka.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa xafladda ka hadlay Madaxa Waaxda Barnaamijyada Wacyi-gallinta Qabyaaladda, Abdifatah Hussein oo xusay in Qabyaaladdu ay tahay dhibaatada ugu weyn ee heysata dadka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan. Wuxuuna intaas ku daray in dhallinyaradu ay yihiin kuwa ka hortagi kara cudurka Qabyaaladda. Halkaan ka daawo warka TVga Universal ee xafladda: https://www.youtube.com/watch?v=vf3X6fnIVbM Insha’Allah. Mahadsanidiin

Waaxda Warbaahinta ee Kacdoonka ATM.