Go back

News

Dhallinyarada ATM oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement), gaar ahaan Madaxa Waaxda Barnaamijyada Wacyi-gallinta Qabyaaladda, Abdifatah Hussein oo maalmihii la soo dhaafay safaro la xiriira la dagaalanka Qabyaaladda ku tegay magaalooyinka Boorama iyo Burco.

Soo dhaweynta dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda ayaa aheyd mid gacan weyn ay ka geysteen bahda Machadka Horumarinta Aadamaha (Human Development Institute). Waxaana xusid mudan in kulan wacyi-gallin ah ay si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Hargeysa, kulankaas oo looga hadlay dhibaatada Qabyaaladdu ay ku heyso bulshada.

1 (2) 2 3

Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha xafladda ayaa sheegay in Qabyaaladdu ay tahay cudur dilaa ah oo u baahan dawo dhameystiran. Waxa ayna sheegeen in looga hortagi karo Qabyaaladda in la helo nidaam ku dhisan cadaalad oo la isku tix-galiyo aqoon, karti, dadnimo, daacadnimo iyo Illaahay ka cabsi.

Dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement) ayaa kula dar-daarmay ka qeyb-galayaasha kulanka in ay fariinta la dagaalanka Qabyaaladda gaarsiiyaan guud ahaan asxaabta, qaraabada iyo inta ay garanayaan meel waliba oo ay joogaan.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa kulanka soo gaba-gabeeyay Madaxa Waaxda Barnaamijyada Wacyi-gallinta Qabyaaladda, Abdifatah Hussein oo sheegay inuu si weyn ugu mahad celinayo wax-garadka, aqoonyahanada, ardayda, macalimiinta, dhallinyarada, waalidiinta iyo dhammaan inta ka qeyb qaadatay kulanka wacyigalinta ah ee la dagaalanka Qabyaaladda.

Waaxda Warbaahinta ee Kacdoonka ATM.