Go back

News

Magaalada Boorame oo marti-galisay dhallinyarada ATM.

Dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti-Tribalism Movement) oo gacan ka helaya Machadka Horumarinta Aadamaha (Human Development Institute) ayaa habeenkii Arbacada 4tii bisha March 2015ka xaflad wacyi-gallin ah ku qabtay magaalada Boorame.

Waxaana kulankaas ka qeyb galay ardayda wax ka barata magaaladaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Xafladda ayaa aheyd mid looga hadlay dhibaatada qabyaaladda iyo sida ay saameyn ugu leedahay nolosha bulshada. Waxa ay ardaydu ka hadleen qabyaaladda iyo sida ay hoos ugu dhigto horumarka iyo wax wada-qabsiga qeybaha kala gedisan ee dadka ku nool magaalada.

12  13  7

Ka qeyb-galayaasha xafladda ayaa wadaagay fikarado kala duwan oo ah sidii looga hortagi lahaa qabyaaladda. Waxaana ka mid ahaa:

  • In qabyaaladda looga bixi karo in wacyi-gallin joogta ah la sameeyo.
  • In qabyaaladda looga bixi karo in la kordhiyo goobaha waxbarashada.
  • In qabyaaladda looga bixi karo in aanan shaqooyinka iyo fursadaha kale nolosha la isku siiyo reer-hebel.

 

Ardayda qaar ayaa sheegay in qabyaaladdu ay gashay guud ahaan qeybaha bulshada sida:

  • Guurka.
  • Siyaasadda.
  • Deegaanka
  • Fursadaha Shaqo.

Waxaana jira in dadweynaha ku nool magaalada Boorame ee ka qeyb galay xafladda ay sheegeen in qabyaaladdu tahay cudur u baahan dawo lagu daweeyo. Waxa ayna codsi gaar ah u direen goobaha wax-barasho ee ku yaala magaalada Boorame oo ay ka codsadeen inay bulshada ka wacyi-galliyaan dhibaatada qabyaaladda. Halkaan ka daawo muuqaalka xafladda: https://www.youtube.com/watch?v=su53EUZKdtg

8  11  9

Madaxa Madaxa Waaxda Barnaamijyada Wacyi-gallinta Qabyaaladda, Abdifatah Hussein ayaa sheegay in magaalada Boorame ay ku yeelan doonaan xafiis. Wuxuuna ka mahad celiyay soo dhaweyn balaaran ee uu ka helay shacabka ku nool magaalada Boorame iyo Machadka Horumarinta Aadamaha (Human Development Institute) oo kaalin weyn ka qaatay hirgallinta xafladda. Mahadsanidiin

Waaxda Warbaahinta ee Kacdoonka ATM.