Go back

News

Jawaab Celin ku wajahan shir shalay Muqdisho ka dhacay

War saxafadeed- Jawaab celin ku wajahan shir shalay Muqdisho ka dhacay

30/03/2016 — Waxaan cambaareynaynaa hadaladii ka soo yeeray odayaal Soomaaliyeed oo sheegtay inay ku hadlayaan magaca reer gaar ah hadana ku andacoonaya inay magaala madaxda Soomaaliyeed ay sigooni ah u leeyihiin, waa wax laga naxo ah, in odayaal laga sugaayay masiirka umadda Soomaaliyeed, ay ka soo yeeraan hadalo ceynkaas ah.

Qof walba oo Soomaali ah waxa uu xaq u leeyahay meel walba oo ka tirsan wadanka, magaalada Mogadishana waa magaalo madaxda wadanka, cid walba oo Soomaali ahna xaq ayay u leeyihiin cid cid ka xigtana ma jirto, mana ahan magaalo cidi sigaar ah u leedahay, taasna waxaa la mid ah wadanka intiisa kale.

Waxaan ka wada dharagsanahay dhibaatada ay keentay kala takoorka iyo kala qubqubka bulshada. Waxaana wax laga xumaada ah odayaasha Soomaaliyeed iyagoo og dhibaatada la soo maray ama wali lagu jiro inay ka shaqeynayaan wax sii kala geynaya bulshada waana arin aana loo dulqaadan Karin lana aqbali Karin in odayaal danahooda ka shaqeynaya ay bulshada kala geeyaan.

Hadalka ka soo yeeray odayaashaas waxay gaf ku tahay magaalada madaxda iyo dadka ay sheegteen inay magacooda ku hadlayaan, waana gaf ka soo yeeray odayaashaas waxaana ka codsanaynaa inay si buuxda raali galin uga bixiyaan hadaladii xanafta lahaa ee ka soo yeeray.

Kacdoonka la Dagaalanka Qabyaaladda  (Anti–Tribalism Movement)