Go back

News

BAAQA SHIRWEYNAHA QARAN EE DHALINYARADDA

HORDHAC

Shirweyhanaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliya wuxuu ka dhacay magaalada Muqdishu 18-19 December 2015 waxaana isugu yimid dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhammaan gobolada dalka iyo dibadda. Shirku wuxuu u mahad celinayaa madaxda dowlada federaalka guud ahaan iyo wasaaradadhalinyarada iyo ciyaaraha gaar ahaan oo lahaa qaban qaabada iyo qabashada shirweynahan qaran. Ujeedada shirku waxay ahayd inuu noqdo madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku doodaan kuna soo bandhigaan aragtidooda, kagana tashadaan aayahooda. Waxaana shirka kasoo baxay qodobadan hoos ku xusan oo ahaa wixii ugu muhiimsanaa arimihii laga doodey.

  1. DHALINYARADDA IYO HOGAAMINTA

Dhameystirka iyo Dhaqangelinta Siyaasada Qaran ee Dhalinyaradda In dhalinyaradda laga qeybgaliyo hogaanka iyo hagida dalka iyagoo talo ku yeelanaya cida la dooranayo iyo cida wax dooraneysa. In dastuurka Soomaaliya lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyaradda. In la abuuro gole dhalinyaro Qaran si uu u noqdo meel ay hogaamiyayaasha dhalinta yari ku sameysmaan kuna bartaan hogaaminta wanaagsan looguna ol-oleeyo danaha dhalinyaradda In ay dhalinyaradu barato taariikhda, si ay wax uga bartaan isagana jiraan khaladaadkii hore.

  1. WAXBARASHADA

In lahelo siyaasada qaran ee Waxabrashada Dalka In la helo waxbarasho bilaash ah oo loo simanyahay, ayadoo muhiimad gaar ah lasiinayo gabdhaha In la xoojiyo korna loo qaado afka hooyo laguna dhiiri galiyo dhalinyarada ku hadalkiisa iyo qoristiisa. In la hirgaliyo maktabada qaranka

  1. TAHRIIBKA

In dhalinyaradda loo abuuro shaqooyin, lana baro xirfado ay ku shaqeystaan In dowlad wanaaga iyo Hufnaanta kor loo qaado si baasaboorka Soomaaliyeed Qiimeu yeesho. In la helo wacyigalin balaaran kuna saleysan nolasha dhabta ah oo ay la kulmaan dadka tahriiba

  1. AMNIGA

In ciidamada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda iyo musharaadkooda In la dhaqan geliyo sharciga xeer ciqaabeedka dhalinyarada si ay ciqaabta ugu haboonaato da’dooda. In la helo lambar lagala xiriiro laamaha nabadgalyada.

  1. SHAQO ABUURKA

In lasameeyo Qorshe howleed qaran oo dadka lagu shaqo gelinayo sida: Dhismayaasha wadooyinka isku xira Gobolada, Dekadaha iyo Garoomada diyaaradahasi gobolo kala duwani u helaan fursado shaqo. In la dhiirigaliyo wax soosaarka dalka, dowladuna ay si gaar ah u dhaqaaleyso beeraleyda, kaluumeysatada, xoola dhaqatada, iyo warshadleyda. In la hirgaliyo siyaasad soo jiidan karta maalgaliyayaasha shisheeye. In laxoojiyo sharciga shaqada iyo shaqaaleysiinta.

  1. SAAMEYNTA WARBAAHINTA EE DHALINYARADDA

In warbaahintu kaalintooda ka qaataan wacyigelinta, waxbarida iyo wax ogeysiinta Dhalinyaradda. In milkiiyasha warbaahinta gaarka ah ay sare u qaadaan xirfadaha wariyayaasha dhalinta yar ayaga oo siinaya tababaro iyo waxbarasho warbaahineed si ay u ogaadaan waxey tabinayaan. In marwalba la adkeeyo lana hubiyo madaxbanaanida warbaahinta iyada oo la dhowrayo sharciga warbaahinta. Dowladu waa in ay ogaataa muhiimada Baraha Warbaahinta Bulshada, una adeegsataa hagida dhalinyarada, kuna heysaa indhaha saameynta qaloocan oo ay leedahay.

Ugu danbeyntii shirku wuxuu isla gartay xoog saarida aqoonsiga muhiimnimada dhalinyarada iyo kaalinta lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiindib u dhiska Soomaaliya iyo gobonimo ugu noolaanshaha dalka hooyo.

Waxaa dhalinyaradii shirka kasoo qeyb gashay tilmaameen nooca Soomaaliyada ay rabaan.

Waxay rabaan soomaaliya amni ah Soomaaliya cadaalad ah Soomaaliya dhalinyaro hogaamiso.

Soomaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaala ahaan Africa hogaamisa.

Mahadsanidiin.