Go back

News

Baaq Nabadeed oo ku socda bulshada magaalada Gaalkacyo.

Kacdoonka La Dagaalanka Qabyaaladda  (Anti – Tribalism Movement) waxa ay marka ugu horeysa tacsi u dirayaan dhammaan qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyodeen intii ku dhimatay dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Waxaan Illaahay ka baryaynaa in kuwa dhaawaca ahna ay caafimaad helaan Aamiin.
Waxaan baaq nabadeed u diraynaan mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland inay kaalin muuqata ka qaataan joojinta dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug. Waxaa xusid mudan in dadweynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin shacab leh taariikh soo jireen ah oo ku saleysan walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.
Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda waxa ay ugu baaqayaan labada maamul inay si shuruud la’aan ah u dhaqan-galiyaan qodobada hoos ku qoran:
  • Waa in la joojiyo xabadda iyo dagaalka si shuruud la’aan ah.
  • Waa in la kala wareejiyo ama la kala qaado ciidamada labada dhinac ee is hor-fadhiya.
  • Waa in si wada-jir ah looga shaqeeyo sugida amniga magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka.
  • Waa in gudi loo magacaabo xallinta dagaalka iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.
  • Waa in ganacsatada, haweenka, dhallinyarada, odoyaasha, wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay qeyb ka qaataan wada-hadalada.
Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement) waxa ay sidoo kale fariin u dirayaan mas’uuliyiinta dowladda dalka Soomaaliya oo ay ku dhiiri-galinayaan inay kaalin muhiim ah ka qaataan xallinta dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo. Waxaan mas’uuliyiinta dowladda dalka Soomaaliya ugu baaqeenaa inay tix-galiyaan codsigeena hoos ku qoran:
  • Waa in dowladda Soomaaliya ay gudi wasiiro, xildhibaano iyo wax-garad ka kooban u dirto deegaanada ay colaaduhu ka jiraan.
  • Waa in dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto wadahadalada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya labada maamul.
  • Waa in dowladda Soomaaliya ay gebi ahaanba xal u hesho khilaafka siyaasadeed ee soo noq-noqonaya ee u dhaxeeya labada maamul.
Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda waxa ay wadaan dadaalo muuqda iyo kuwa si gaar ah loola xiriirayo labada maamul si xal loogu helo dagaalka socda. Waxaa xusid mudan in dadka ku wada nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin bulsho walaalo, xigaal, xidid iyo dhaqan wadaaga. Waxaan ku rajo weyn-nahay in aan ku guuleysano dadaalkeena ku aadan xal u helista dagaalada magaalada Gaalkacyo.
Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement) waxa ay si guud fariin ugu dirayaan dhallinyarada walaalaha ah ee ku wada nool deegaanada hoos yimaada gobolka Mudug. Dhallinyaradu waa kuwa dhimanaya, dhaawacmaya, ama ku waaya dagaalka qaar ka mid ah xubnaha jirkooda.
Waxaan dhallinyarada ku nool gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo aan ku adkeyneynaa inaysan marnaba ka qeyb qaadan dagaalka sokeeye ee u dhaxeeya dadka walaalaha ah. Waa nasiib daro in dhallinyaradu ay noqdaan kuwa loo addegsanayo dagaal uu ku dhimanayo qof Soomaaliyeed, sidaa daraadeed waxaan dhallinyarada ugu baaqeynaa inay sugaan amniga iyo xasiloonida magaalada ay ku nool yihiin.

 ATM Media
Xarunta Warbaahinta Kacdoonka