Loading Events

Conversation with the Candidate

Anti-Tribalism Movement Iyo Act for Somalia Waxay idinku marti qaadayaan barnaamij la magac baxay “Conversation with  the Candidate” oo ujeedkiisu yahay in ay dhalinyarada Soomaaliyeed ay hesho fursad ay fool ka fool su’aalo u weydiin karaan Musharixinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha JFS.

Madaama ay dhalinyaradu cod toos ah ku laheyn tallada dalka, marka laga reebo tiro 16% ah, oo soo kala galay Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Musharixiinta qaar ayaa naga ogolaaday inay hor yimadaan dhalinyarada una soo bandhigaan qorshahooda siyaasadeed, Su,aalana laga waydiiyo. 

Kulamadan Waxa aay noqon doonaan kulamo joogto ah inta laga gaarayo doorashada, kulanka koobaad ee ugu horeeya waa maalinta isniinta ah, oo aay taariikhdu tahay 30/01/17,

Maalintaas waxaa marti ku ah, Musharax Mohamed Abdulahi Farmaajo iyo sidoo kale Xildhibaanada Dhalinyarada ah ee soo gashay labada Aqal.

Fadlan hadii aad daneyneyso in aad nagala soo qayb gasho fadlan lasoo xariir 0612897575

Sidoo kale, Qurbajoogta Soomaaliyeed iyana waxa ay nagala socon doonaan, su,aalana nagu soo waydiin karaan barta Facebook iyo Twitter.

Goorta: ISNIIN, 15:00-17:30

Goobta: Muqadisho