Maalinta Ka Hortaga Gudniinka Fircooniga – 6da February.

FGM 3

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah bulsho leh dhaqan wanaagsan oo taabanaya guud ahaan qeybaha kala duwan ee nolosha. Waxaana dhaqanka Soomaaliyeed lagu yaqaan inuu yahay dhaqan leh xishood, wanaag, kal-gaceyl, soo dhaweyn iyo tix-gellin.

Dunida aynu ku noolnahay maanta ayaa ah mid dhaqamada kala duwan la isku garto, lana kala barto. Dhaqanka dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ah dhaqan wata waxyaabo ay tahay in laga hortago oo ay ka mid tahay GUDNIINKA FIRCOONIGA.

FGM 4

Gudniinka Fircooniga ayaa ah dhaqan aad u xun oo saameyn weyn ku leh nolosha haweenka Soomaaliyeed. Waana dhaqan ka hor immaanaya diinta, arrimaha xuquuqda aadanaha iyo xagga caafimaadka.

In ka badan 140 million oo haween ah oo maanta nool ayaa lagu fuliyay Gudniin Fircooniga sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Halkaan ka aqriso warbixinta Qaramada Midoobay oo dhameystiran: http://www.un.org/en/events/femalegenitalmutilationday/index.shtml

Waxaa dhaca in haweenka lagu fuliyo Gudniinka Fircooniga ay in badan oo ka mid ah uu ku dhaco dhiig bax badan, dhaawac, umul-raac ayna qaarkood u geeriyoodaan.

FGM 2

Waxaa muhiim ah in la helo barnaamijyo wacyi-gallin ah oo ka socda gudaha iyo dibadda dalka si looga hortago Gudniinka Fircooniga. Waxaa hubaal ah in isbadal weyn uu jiro waqtiga la joogo marka dib loo fiiriyo sida ay dadku ka aaminsanaayeen fullinta Gudniinka Fircooniga.

Dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement) waxa ay ka codsanayaan shaqaalaha caafimaadka, hey’addaha xuquuqda aadanaha, dowladda Soomaaliya, maamulada gobolada ee ka dhisan gudaha dalka, shaqsiyaadka ku howlan ka hortaga Gudniinka Fircooniga iyo dhammaan mas’uuliyiinta wasaaradaha caafimaadka in ay kordhiyaan dadaalkooda ka dhanka ah Gudniinka Fircooniga.

Waaxda Warbaahinta ee Kacdoonka.

Categories